Waxaa magaalada Toronto ee waddanka Canada ka socda tartan kubadda koleyga ah ee la magac baxay Somali Men's Basketball League "SMBL". Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay seddax dhallinyaro oo iyagu iskooda isu xil saaray. Sannadkii hore ayaa waxaa tartankan ka soo qeybgalay 8 kooxood. Halka sannadkani ay kooxaha gareen 10. Wixii ay kooxahan isa soo reebaanba waxaa ciyaarta semi-finalka ee tartanka isugu soo haray affarta kooxood ee kala ah Nomads, Kings, Stars iyo Lakers. Ciyaartii kowaad waxaa foodda is daray kooxda Stars iyo Lakers. Labadan kooxood ayaa iyagu soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan. Wixii hadba koox la weerara ugu dambeyntii Lakers ayaa 55-34 ay guusha ku raacday. Kullankii labaad ee semi-finalka waxaa wada ciyaaray kooxaha Kings iyo Nomads. Labadan kooxood ayaa ugu dambeyntii ku kala hooyday Nomads 55 Kings 60. Ciyaarta finalka oo la ciyaari doono bisha December 17,2011 ayaa waxaa wada ciyaari doonaa kooxda Kings iyo Lakers. W/D Mohamed Busuri |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|